U bood dhigaalka

Rooble Oo Shirka Doorashada Ee DF Iyo D. Goboleedyada Muddeeyey 20-ka May

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwaasaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Raabole ayaa maanta caasumaad u diray Madaxda Maamulgoboleedyada iyo gobolka banaadir isaga oo ku ballamiyey shirka wadatashiga doorashooyinka qaranka oo lagu dhameytirayo heshiiskii 17 September.

Shirka ayaa loo muddeeyey inu qabsoomo 20-ka bishaan May kaasi oo la filayo in go’aan looga gaaro arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Afhayeenka xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimoo ayaa akhriyay  shirka loogu baaqay Madaxda Maamul goboleeyada dalka sidaan ayuuna u qornaa:

“Ra’iisulwasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble waxa uu casuumaad u diray madaxweynayaasha dowladgoboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalKa iyo maamulka goboka banaadir isaga oo ku casuumay inay ka soo qeybgalaan shirka wadatashiga qaran ee dhameystirka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17 september oo ra’iisulwasaaraha uu u mudeeyay  20 bisha may  oo ah maalin khamiis ah, ra’iisulwasaaraha waxa uu rajeynayaa in madaxda ay ka a jiibi doonaan  islamarkaasna shirka laga soo wada qeyb gali doono, ra’iisulwasaaraha waxa uu sheegay inuu ka codsanayo madaxda ina maalinta ka horreysa Arbacada ay yimaadaan si shirka uu u bilowdo waqtigii loo qorsheeyay.

Macalimu oo sii hadlaya waxaa uu intaasi raaciyey “Dad badan ayaa laga yaabaa inay is yiraahdan maxaa 20ka looga dhigay oo hadda shirka si dhaqsi ah loogu baaqi waayay, waxaad ogtihiin in hadda aan kuguda jirno 10kii ugu dambeeyay ee bisha rama amadan runtii ah maalmo dadka muslimiinta ah muhiim u ah waxaana ku xiga ciidii iyo wadacii marka waxaa la isla gartay xiriiro ama la tashiyo uu lasameeyay ra’iisulwasaaraha madaxda in ay ku haboontahay in laga dhigo 20ka, waxaa rajeyneynaa in  dhammaanlaga soo wada qeybgali doono umadda Soomaaliyeedna waxay ka fileysaa shirkaas inuu noqdo mid horseedo kii lagu gaari lahaa heshiis doorasho oo xor iyo xalaal ah”.

Goobjoog News