U bood dhigaalka

RW Xamsa: Lama la aqbali karo in hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay waalidiinta Soomaaliyeed iyo carruurtooda ay waayaan daryeel caafimaad xilligaan.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.
Goobjoog News