U bood dhigaalka

RW Xamsa: Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ugu hambalyeeyay munaasibadda maalinta ‘Qaranimada Qatar’.

Xamsa ayaa sheegay in dowladda Qatar ay saaxiib dhaw la tahay Soomaaliya, ayna iska taageeraan dhinacyo badan.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ku bogaadiyay sida ay u ilaashadaan nabad galyada iyo madaxbanaanimada dalkooda.

“Waxa aan aragnaa Bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray Calanka Dalkaas, Shacab & Xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim & Shacabka Qatar, mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada Dal & labada Dad, Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo & karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahadcelinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka, munaasabaddaan waxa aan uga mahadcelinayaa Dowladda & Shacabka Qatar oo aan rajeyneyo in ay xoojiyaan iskaashiga guud ahaan caalamka gaar ahaan Muslimiinta & Carabta, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin”  ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkaan ayuu ra’iisulwasaaraha ka sheegay munaasibadda maalinta Qaranimada Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News