U bood dhigaalka

Saaka iyo Baladweyn: Dad Go’doonsan iyo Odeyaal Ka Cabanaya Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn waxaa uu sheegayaa in biyihii Webiga Shabeelle  ay weli ku socdaan xaafadaha magaalada. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako  iyo  Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb.

Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah,  ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha.

Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf.

Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen.

Goobjoog News