U bood dhigaalka

Saddex Qof Oo Ku Dhimatay Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in Saddex qof ay ku dhimatay daad ka dhashay roob saacadihii ugu dambeeyay ka da’ay magaaladaasi.

C/laahi Fadal Iimaan, taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland ayaa u sheegay warbaahinta in sidoo kale ay jiraan dad badan oo guryahoodii isaga barakacay.

Dadka dhintay ayaa kala ah Hooyo iyo Labadeeda canug oo mid Labo sano jir yahay midna dhallanyahay 40 cisho, waxaana daadka ugu galay gurigii ay deganaayeen.

Meello badna oo ka mid ah gobollada dalka waxaa sidan oo kale uga da’ay roob xooggan kaasi oo saameeyey dadka iyo duunyada.

Goobjoog News