Saddex Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Togdheer

Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa lagu soo warramayaa in maanta uu ka dhacay deegaannada Horufadhi iyo Gocondhaale, kuwaasi oo ku dhow degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof iyadoo Labo kalena dhaawac uu soo gaaray.

Xuseen Xasan Cadde oo ka mid ah wariyeyaasha ku sugan Togdheer ayaa soo sheegaya in dagaalkan uu ahaa mid xooggan, welina ay jirto xiisaddiisu.

Ma jirto cid kala dhexgashay dhinacyada isku haya gobolka Togdheer,  iyadoo xilli walba ah xaaladdu isbeddeli karto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW