U bood dhigaalka

Dowladda Norwey oo Sheegtay iney Ka Qeybqaadaneyso Horumarka Somaliland

Sheeko:Dalka

Ku xigeenka safiirka dalka Norwey u fadhiya dalka Kenya Mr Febrown Henis  oo soo booqday magaalada Hargeysa ayaa kulan la qaatay wasiirka macdanta iyo tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa waxay Labada dhinac ka wada hadleen sidii  dalka Norwey uu u caawin  lahaa shaqada wasaaraddu u qabato bulshada .

Kulan  ay ku qaateen  xarunta wasaaradda macdaynta ka dib ayey  waxay si wada jir ah ula hadleen warbaahinta,  wasiirka macdaynta  Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay iney  ka codsadeen sidii ay Somaliland uga caawin lahaayeen shiidaal iyo macdan baaris ay  wasaaraddu qorshaheeda ka wadday degeaanno ka tirsan gobollka Sool; walaw ayna ahayn shaqo hadda si rasmi ah u socota, wasiirka ayaa yiri ” Waa hor dhac un hadda qorsha uu wado safiir ku xigeenku balse waxaanu ka codsannay in lanaga caawiyo aqoon iyo qalab ahaanba  macdan barista aanu qorshaheeda ka wadno gobolka Sool sida deegaanka Hol-hol”.

Wasiirka ayaa intaasi sii raaciyey iney Somaliland baahi badan u qabto waqtigan sidii  looga kaalmayn lahaa shiidaal sahaminta si dhaqaale iyo shaqo ahaanba ay uga caawiso arrintaasi.

Dhinaca kale safiir ku xigeenkan ayaa ammaan usoo jeediyay horumar-ka shaqo oo ay wasaaraddu samaysay qaar ahanna dhismaha ay hadda ku jirto oo  ka mid ah goobaha shaqo ee ugu dhismaha gurxoon xafiisyada maamulka, kaasi oo dhawaan un xarigga laga jaray, waxaanuu ballan qaaday iney ka qeybqaadan doonaan horumarka Somaliland .

Wasaaraddan macdanta ee uu safiirku xigeenku booqday  ayaa hore iskugu jiray wasaarada macdanta iyo biyaha balse hadda waxa loo kala qaaday Labo wasaaradood  mana jirto wali shaqo rasmi ah oo ay qabato marka laga reebo macdan raadin ay ka samaysay  deegaanka Sool  oo muran iyo iska hor-imaad ay qeyb ka ahaayeen dadka deegaanku ay ka dhasheen ka dibna halkaa lagu hakiyay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada