Safiir Tarsan oo Xaqiiqda Ka Qariyey Shacabka Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan ayaa qiray inuu safar ku yimid caasimadda Muqdisho Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya  Kyle McCarter, isaga oo hadalkiisa ku soo koobay “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”.

Haddaba, Muxuu Qariyey Safiir Tarsan?

Sababta Safarka:  Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya  Maxamuud Axmed Tarsan shacabka Soomaaliyeed uma sheegin waxa safiir Mareykan u fadhiya dal daris ah uu ka soo doonay Soomaaliya iyada oo uu Mareykanka safiir kale u joogo halkan.

Cidda uu la kulmay: Safiirkeenna Kenya, waxaa qoraalkiisa ku qariyey cidda uu la kulmay McCarter, waxa ay ka wada hadleen iyo arrimaha safarka la xiriira.

Arrinta Badda: Kyle McCarter waxaa uu Daily Nation u sheegay inuu arrimaha badda kala hadlay, laakin Tarsan waxaa uu muuqato in ka aamusay.

Faragelinta Mareykanka: Safiir shaqadiisa waa inuu fuliyaa siyaasadda arriamaha dibadda dalkiisa,  Kyle McCarter iskama socon ee waxaa uu u yimid ajendaha Mareykan ah ee muranka badda la xiriira, Tarsan arrintaas sidoo kale waa qariyey, oo kama hadlin.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan si la mid ah madaxda fulinta federaalka ah waxaa isku dayey inuu marin habaabiyo dareenka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intuu islahaa wax deji sii badiyey su’aalaha jawaabta u baahan!

Ugu dambeyntii, markii uu Tarsan xaqiiqda qariyey Goobjoog News waxaa ay Villa Somalia weydiisay arrimaha la xiriira safarka safiir Kyle McCarter, cidda uu la kulmay iyo waxa ay ka wada hadleen, laakin Villadu ilaa hadda kama soo jawaabin.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. Ambassador Tarzan, don’t be guilty of “lying by omission”. Si’ xun wax-u-sheeg
    saaxir ka daran.
    Mudane Tarzanow, sharaf baa laguugu bartay ee ha u eedoobin Nabar iyo
    Naxdin dartood.

    Safiirka Mareykanka waxaa uu yimid Muqdisho. Wuxuuna u yimid in Farmaajo
    uu ku yiraa: MAXKAMADDA KA SOO CELI DACWADA BADDA OO ARRINKA HA LAGU DHAMMEEYO MEEL DIBEDDA KA AH MAXKAMADDA. FARRIINTIINA WUU
    GUDBIYAY OO WUXUU U DHIIBAY LA-TALIYEYAASHA FARMAAJO. TAASI WAXAY
    LA MID TAHAY ISAGOO FARMAAJO FARTA KA SAARAY FARRIINTA.
    FARMAAJANA WAAYADANBA FARAFAREYN WUU KU WADAY DACWADA BADDA.

    WAXAA LA SHEEGAYAA IN KENYA AY FARMAAJO U SOO JEEDISAY SADDEX ARRIMOOD OO KALA AH:
    A. AXMED MADOOBE WAXAAN KU BEDDELEYNAA QOF AAD ADIGU WADATID.
    B. KENYA WAXAY BEESHAADA KA DHIGANEYSAA SAAXIIB DHOW OO WAXAY
    XARIGGA U JAREYSAA BEESHA AXMED MADOOBE.
    C. KENYA WAXAY U HAWL-GELEYSAA SIDII AAD FARMAAJOW UUGU ADKAAN
    LAHEYD DOORASHADA MADEXWEYNENIMADA EE 2021-DA.
    FARMAAJOW ADIGUNA WAXAA LAGAA RABAA IN AAD KIISKA DACWADA KA SOO CELISID MAXKAMADA HAGUE (ICJ). WAXAAN NAHAY LABA DAWLADOOD OO DERIS IYO SAAXIIB AH. MURANKEENNA XAGGA XUDUUDDA BADDA AH WAXAAN KU DHAMMEYSANEYNAA WADAHADAL IYO SAAXIIBTINNIMO IYO DERISNIMO.

    FARMAAJANA INUU HADALKAAAS U QUSHUUCAY BAA LA SOO TEBINAYAA.
    OO WAA KAA HADDABA FARAFAREYNTA KU BILAABAY KIISKA DACWADA BADDII SOOMAALIYEEED, OGGOLAADAYNA IN DHEGEYSIGA DACWADA DIB LOO DHIGO
    SIDDEED BILOOD.
    ISLA MARKAASNA ERYAY QAREENNADDII AWAL GUUSHA KA SOO HOOYAY BILOWGII DACWADA BADDA.
    MARKA, ADIGA MUDANE TARZANOW, YAANEY SHARAFTAADA HOREY U SII SALFAN FARMAAJO IYO SAAXIIBBADIIS OO AH DUUL GABBALKOODU DHACAY.

    CIMRI TEGEY CEEB LAGU MA SAGOOTIYO. FILIN DHAMMAADAY TIKIDH HA GOOSAN.
    NABAR IYO NAXDIN IS HISTORY. AND WE SAY: “GOOD RIDDACE.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW