Safiirka Jabuuti Iyo Saraakiil Ciidan Oo Gaarey B/weyne

Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarey safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan iyo saraakiil ciidan oo Jabuuti.

Taliyaha ciidamada Jabuuti Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidan ee la socotay safiirka Jabuuti, waxaana kulan saacado qaatey la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Waxay booqasho ku tageen xerada Ceel-jaalle ee ay ku sugan yihiin ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, iyadoo ulajeedka ay halkaasi u tageen ahayd weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee dhowaan lagu qaadey xero ay B/weyne ka deganaayeen ciidanka Jabuuti iyo u kuur galka xaaladda ciidankaasi.

Safiir Aadan ayaa sheegay in marnaba aaney wax ka bedali doonin weerarkii lagu qaadey ciidankooda howlaha ay ka hayaan Soomaaliya iyo nabad raadinta.

Dowladda Jabuuti waxaa dalka ka jooga ciidamo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana 25-kii bishan xarun ay ciidankan ku lahaayeen magaalada B/weyne lagu qaadey weerar Ismiidaamin ah oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW