U bood dhigaalka

Salaad Roobdoon ah oo Maanta Laga Oogay Guud ahaan Deegaannada Somaliland

Sheeko:Dalka

Deegannada Somaliland ayaa saaka si wadajir ah looga oogay salaad roobdoon ah oo Alle lagu weydiisanayo inuu raxmaddiisa ugu deeqo deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ee bariga Somaliland.

Salaaddan Roobdoonka ah waxay dadweynuhu iskugu soo baxeen goobaha garoomada  kubadda iyo masaajidadda waaweyn halkaasi oo duco iyo salaadaba lagu oogay.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa dadweynaha halkaasi kula tukaday waxaana laga sheekeeyey deegaannada ugu badan ee ay abaaruhu ka taagan yihiin oo ay ugu horreeyaan gobollada Sool iyo Sanaag qaybo ka mid ah .

Deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen oo qaarkood ay u mareyso sannadkii labaad ee aaney roob wanaagsan aaney helin; ayaa waxa abaartu galaafatay kumanaan xoolo ah  halka ay barakac ku ridday reer miyi fara badan.

Deegaanka Ceel-afweyn  oo ka tirsan gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay deegaannada abaaruhu ku dhufteen waxaana halkaasi is kaga hayaamay reero tiro badan oo u adkaysan waayey saameynta ay deegaankooda ku yeelatay abaartu .

Maamulka Somaliland ayaa soo saaray qeylo-dhaan ay  u direen beesha caalamka iyo  cid kasta oo gargaar ka geysan karta  xaaladda abaareed ee ka sii dareysa deegaanno u badan bariga Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada