U bood dhigaalka

Sanaag: 21 Qof Oo Ku Sumoobay Caano

Sheeko:Dalka

Qoys aroos ah ayaa deegaanka Jiingad oo Xingalool ka tirsan waxa ay ku sumoobeen caano ay cabeen.

Caruuskii, Caruusaddii iyo Labadii malxiis ayaa ka mid ahaa 17 kale oo ku sumoobay caanahay ay cabeen waxaana ay hadda yaallaan dhammaaantood isbitaalka magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag.

21 Ruux ayaa hadda jiifa cisbitaalka magaaladan iyadoo xaaladooda caafimaad lagu dedaalayo.

Dr Cabdirisaaq Cabdullahi Japan oo La hadlay Goobjoog News wuxuu sheegay in baaaritaan ay sameeyeen ay Ku ogaadeen in caanaha oo laga lisey Riyo La talaalay ay keentay suntan wuxuuna xusey in marka xoolaha la talaalo aan la isticmaali karin Cadkooda iyo caanahooda Ilaa 45 Cisho.

“Bukaannada ayaa aad u Shubmaya, Matagaya , Qaarkoodna waxay kujiraan Koom” ayuu yiri Dr. Japan.

Dhakhaatiirta Magaalada ayaa soo jeediyey in aan Xingalool iyo Miyigeedaba laga isticmaalin Caano muddo 3 Beri ah.

Laba Todobaad ka hor ayaa la talaalay xoolaha gobolka Sanaag siiba Ariga iyadoo caanaha xoolaha ama hilibkiisa la isticmaalin 45 cisho talaalka kadib.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada