U bood dhigaalka

Saraakiil ka socto Dowlada Mareykanka oo gaaray Kismaayo iyo Sababta ay u tageen oo la ogaaday

Sheeko:War

Waxaa magaalada Kismaayo gaaray Saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka iyo Xubno kale oo ku wehlinaayay socdaalkaasi.

Saraakiishaani ayaa waxaa Magaalada kusoo dhaweeyay Saraakiil kale oo isugu jirtay kuwa Dowlada Somalia, Maamulka KMG Jubba iyo Kenya, waxa uuna kulanka ka dhacay Garoonka Kismaayo.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybqaatay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka.

Kulanka oo ahaa mid dhowr saac qaatay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ahaa mid looga wada hadlaayay isku dhafka ciidamada iyo sidii loo qalabeyn lahaa ciidamada marka la’isku dhafo.

Saraakiishaani ayaa nidaamyo ku saleysnaa qaabka ay u dhaceyso Barnaamijka Isku dhafka Ciidamada dhawaan la sameyn doono siiyay Mas’uuliyiintaasi, waxa ayna sidoo kale usoo bandhigeen qaabka loo kala qeybinaayo tirada Ciidamada.

Dhawaanahan waxaa magaalada Kismaayo ku sugnaa wasiirka gaashaandhigga Cabdiqaadir Cali Diini iyo taliyaha xoogga dalka oo halkaasi u tagay arrimo la xiriira isku dhafka ciidamada.

Barnaamijka isku dhafka Ciidamada ayaa xiligaani kasoo dhamaaday dhanka Dowlada Somalia waxaana goordhow bilaabaneyso furitaanka Barnaamijka.