U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dalbatay Xiritaanka Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u dirtay dalab ah in la xiro xaafiiska kaalmaynta ee UNSOM oo muddo dheer dalka ka howlgalayay. Warqad ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri

” waxaa sharaf inoo ah inaan idinla wadaagno codsi rasmi ah oo ku saabsan howl-galka taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, ka dibna markaan si qoto dheer u tixgelinay mudnaanta istiraatijiyaddeena ku aaddan hor usocadka dowlad-dhiska dalka ma jiro codsi dib aan ugu cusboonaynayo qaraar qaararkii numberkiisu ahaa 2705 ee soo baxay 2023″

Sidoo kale warqadda ay Wasaaraddu u dirtay golaha ammaanka ayaa lagu yiri” waxaan jecelnahay inaan Qaramada Midoobay gaar ahaan xaafiiska Soomaaliya uga mahadcelinno taageerada iyo wada-shaqaynta, howsha adag oo ay hayaanina waxay kaalin weyn ka qaadatay nabada, xasilloonida, iyo hormarka dalkeena.

iyadoo laga duulayo guulaha waxtar leh ee ka dhashay wada-shaqaynta dowladda Soomaaliya iyo howl-galka Qaramada Midoobay, waxaan rumaysannahay inay hadda tahay xilligii ku habboonaa in loo guuro wajiga xega ee Iskaashigeenna, anagoo ku kalsoon in guulihii aan ka gaarnay howl-galka hadda jira iyo casharradii aan ka baranay ay nagu hagi doonaan waddada nabadda iyo barwaaqada”.

Warqadda ayaa ugu dambayn Qaramada Midoobay looga codsaday in howl-galkeeda taageerada Soomaaliya ee UNSOM lagu soo gaba-gebeeyo bisha October ee sanadkan 2024.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing la filayo inay bishan may shaqada ka tagto, dowladda Soomaaliyana ay doonayso in howl-galkan oo muddo dheer dalka ka shaqaynayay la soo gabagabeeyo.