Sawirro: Hoggaanka Bulshada Rayidka Galmudug Oo La Doortay

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa magaalada Cadaado uga ka qeyb galay doorashada hogaanka ururada bulshada rayidka maamulkaasi

50 ruux oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka islamarkaana matalayey Degooyinka Galmudug ayaa cod qarsoodiya  ku kala doortay ilaa 6 musharax oo usoo tartamay Gudoomiyaha iyo Labadiis ku xigeen .

Gabagabadii doorashada Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug iyo ku xigeenadiisa waxaa ku dhawaaqay najiitada caydiid maxamed cali oo ka mida xobnaha doorashadaan qaban qabiyey, Waxana Gudoomiye loo doortay Qadar Maxamed Faarax Halka Ku xigeenka 1-aad loo doortay Sagal Macdi Jamac Gudoomiye Ku xigeenka 2-aad ay ku guuleysatay Nuuriyo C/risaaq.

Qadar Maxamed Faarax Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka Galmudug ayaa sheegay inay la shaqeydoonan maamulka sidoo kalena ku farmuuqi doonaan meelaha uu gaabis ka jiro.

Wasiir dowlaha armaha gudaha iyo dowlada hoose Galmuudg Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay inay ka maamul ahaan soo dhahweynayaan hogaanka bulshada rayidka Galmuudg mumiimna ay u yihiin isdhaxgalka bulshada iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka.

markii ugu horeysay ayeey noqoneysaa oo ururada bulshada raydika Galmudug yeeshaan hogaan ay ku mideysayihiin waxana mas’uuliyiintaan la doorat looga fadhiyaa matalaad dhaba.

Daahir Faarax

Cadaado, Galgaduud

Goobjoog News

1 2 3 4 5 (1) 5 6 7 8 9

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW