U bood dhigaalka

Sawirro: Madaxweyne Xaaf Oo Gaarey Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxay gaareen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbad Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa garoonka Kismaayo kusoo dhoweeyay madaxweyne Xaaf.

Xaaf ayaa Kismaayo u tagay ka qeybgalka shirka madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo Todobaakan ka dhacaya magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in goor dhow ay Kismaayo gaaraan madaxda kale ee dowlad goboleedyada sida Hirshabelle, K/galbeed iyo Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News