U bood dhigaalka

Sawirro: Roob Saddex Maalin Ka Da’aya Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maalintii Saddexaad ka da’aya roobka xilliga Gu’a, iyadoo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.

Roobka ayaa biyo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada, waxaana la arkayaa dad badan oo ku damaashaadaya roobkan.

Baydhabo bilihii ugu dambeeyay waxaa ka jirtay biyo la’aan baahsan, haba ugu darnaateen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale roobkan ayaa ka da’aya dhammaan deegaannada ku dhow magaalada Baydhabo.

Gobolka Baay inkastoo aanu roobka ka wada da’ayn ayaa hadana deegaananda uu ka da’ayo waa kuwii ay ka jirtay xaaladda biyo la’aaneed, meelaha qaarna ay dadka ugu dhinteen biyo la’aanta.

Roobka xilliga Gu’a ayaa ka curtay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxaana dalka ka jirtay abaar dadka iyo duunyada saameysay.

Hoos ka arag sawirada

Goobjoog News

R1 R2 R3 R4 R5 R6 R7 R8 R9 R10 R11 R12