Sawirro: Shirka Wadatashiga Maamul Goboleedyada Oo Caawa Ka Furmay Kismaayo

Caawa waxaa si rasmi ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose uga furmay shirka wadatashiga maamul goboleedyada, waxaana ka qeybgalaya dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkaan oo ka furmay guriga martida ee Kismaayo ayaa waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana halkaasi ku sugan madaxweynaha Puntlad C/weli Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxeynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo ay kamid yihiin khilaafka ka dhaxeeya maamul goboleedyada qaar iyo sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shirkaan lagu eegi doonaa arrimo la xiriira go’ankii maamullada qaar ka qaateen xiisadda Khaliijka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Ammanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidamo badan oo amniga xaqiijinaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkena kale

Goobjoog News

0015 0014 0013 0012

Related Articles

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW