U bood dhigaalka

Sawirro: Sidee Madaxweyne Farmaajo Loogu Soo Dhoweeyay Guriceel, Galgaduud

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Guriceel ee Gobolka Gallguduud.

Madaxweyne Farmaajo oo meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa ayaa ku ammaanay halgankii dheeraa ee dadka deegaanku ay kaga hortageen mileyshiyaadka Alshabaab.

“Waxaan ognahay in magaaladan ay tahay middii ugu horreysay Soomaaliya ee Alshabaab la dagaalanta, taasina waxa ay ka tarjumeysaa soomaalinimadiina, diin iyo dal jaceylkiinna.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay wax ka qabashada baahiyaha shacabka sidaa darteedna laga hirgelinayo magaalada Guriceel mashaariic ay ka mid tahay kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo safrin magaalada Dhuusamareeb waxa uu halkaas ka dhagax dhigay mashaariic kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashaariicdaas oo si wada jir ah ay u dhagax dhigeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka mid ah dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xabsiga magaalada Dhuusamareeb, xarunta agoomaha iyo dayactirka laamiga isku xira Gobollada Dhexe

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ah, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda Federaalka iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti qaadkan loogu sameeyey hooyga Ugaaska uu ka degenyahay magaalada Guriceel ayaa uga mahad celiyey hoggaanka iyo bulshada magaalada diirranaanta ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay gobolka Galguduud waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

G15 G14 G13 G12 G11 G10 G9 G8 G7 G6 G5 G4 G3 G2 G1