U bood dhigaalka

Sawirro: Xaafadaha Baladweyn oo Biyo Qariyeen, Hirshabelle iyo Villa Somalia oo Aamusan

Sheeko:Dalka

Wararka aan saaka ka heleyno magaalada Baladweyn ee caasimadda gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qeybo horleh oo magaalada ah ay biyo qariyeen.

Xaafadaha aadka u daran waxaa ka mid ah  Kooshin,  Xaawo Taako, Buunda weyn iyo Hawlwadaag oo la sheegayo in laga qaxay, noloshana aad u liidato.

“In ka badan 4 cisho ayaa xaaladan ku jirnaa, weli ma arkin maamulka Waare ee Hirshabel, oo canshuuro qaato, mana arkin dowladda federaalka ah, dhib ayaan ku jirnaa, guryihii waa ka soo qaxnay” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid ka mid odeyaasha Baladweyne.

Dhankiisa, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee si adag uga hadla ayaa qoraal uu saaray bartiisa Facebooga ku sheegay inuu ka  welwelsan yahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

Guddoomiye Abshir Axmed oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne” isaga oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si degdeg ah uga jawaabto “Hey’adda Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas”

Guddoomiye Abshir Maxamed waxaa uu xukuumadda federaalka ah su’aalay sababta ay dhibaatadan uga jawaabi la’dahay “Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle?

Ugu dambeyntii, waxaa uu Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare hadalkiisa ku soo gabagabeeyey ” Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah.

Goobjoog News