U bood dhigaalka

Senator Faroole Oo Dhaliil u Jeediyey Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Senator C/raxmaan Faroole oo ka hadlay abaarta ka jirta deegaannada maamulka Puntland ayaa dhaliil u jeediyey madaxda iyo Labada gole ee maamulkaasi, kadib markii uu sheegay inay gabeen kaalintii looga baahnaa gurmadka abaaraha.

Waxa uu sheegay in dadka hadda abaarta ku haysa deegaannada Puntland ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah, balse aysan wax kaalmo muuqda aysan ka helin maamulka C/weli Gaas waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Reer guuraa badan ayaa isugu tagay gobolka Bari, meello badan oo deegaanka ahna abaar baa ka jirta, roob yar oo ka da’ay Bari waxaa isugu tagay kumanaan qof oo hadda laga yaabo in xaaladda ay sii culeyn karto, xukuumadda Puntland waxbo ma aysan qaban wasaaradihii qaarna shaqadii looga baahnaa weli ma hayaan” ayuu yiri Faroole

Musharrax Madaxweyne ahna Xildhibaan Aqal sare C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay madaxda Puntland iyo shacabka maamulkiisa iney u istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka abaarta ku haysa deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Hadalka C/raxmaan Faroole ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, walibana uu hambalyo ka diray sanadka cusub.

Goobjoog News