U bood dhigaalka

Sh/dhexe: Maxkamadda Racfaanka Oo Dib u Shaqo Billowday (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Shabellaha, Axmed Xaaji Ibraahim Siid Dhexe ayaa sheegay in shaqooyinkii maxkamaddaasi ay dib u billowdeen kadib markii hakad in muddo ah la geliyey.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in Saddex bil kadib la aqbalay in maxkamaddan ay ka shaqeyso arrimaha dilalka iyo dhulalka la xiriira.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen madaxda wasaaradda cadaaladda Hirshabelle ay keentay in la isku fahmo dib u shaqeynta maxkamadda.

Billowgii sanadkan 2018-ka ayaa Guddiga Cadaaladda ee baarlamaanka Hirshabelle waxaa ay sheegeen in Shaqooyinka ay ka Joojiyeen maxkamaddan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News