U bood dhigaalka

Shacab Carreysan Oo Maanta Dab Qabadsiiyay Gurigii Taliyaha Qeybta Booliiska Ee Gobalka Awdal (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Shacab carreysan ayaa maanta waxay dab qabadsiiyeen gurigii taliyaha Qeybta ee Booliiska gobalka Awdal, halkaasi oo khasaare hantiyeed uu ka dhashay.

Shacabka oo ka careysnaa dilal ay ciidamada Booliiska Somaliland ay ka geysteen garoon lagu ciyaaro Kubadda oo Laba maalin isku xigtay rasaas ay ciidankaasi fureen ku geeriyoodeen dhallinyaro ayaa guriga weeraray.

Goobjooge ayaa inoo sheegay in shacabka ay guriga oo ku yaalla magaalada Boorama kor uga daateen, waxaana la sheegay in ay ku amreen dadkii deganaa halkaasi in guriga ay banaanka uga baxaan, ka dibna waxay qabadiisyeen dab.

Waxaa basbeelay dhammaan wixii gudaha ugu jiray guriga ee alaab ahaa, iyadoo ugu dambeyn goobta ay gaareen kooxda gurmadka dabdamiska ah.

Xaaladda guud ee magaalada Boorama ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana shacabka weli ay yihiin kuwo wadooyinka buuxa, mana jirto wax faah faahin ah oo kasoo baxay maamulka gobalka Awdal iyo Taliyaha gurigiisa la gubay intaba.

Hoos ka daawo sawirada

006 005 004 003 002 001

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News