U bood dhigaalka

Shacab Dhaliilay Nidaamka Loo Soo Xulayo Golaha Deegaanka Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa dhawaan ka billawday soo xulista golaha deegaanka maamulkaasi, si ay usoo doortaan duqa magaalada Gaalkacyo, ayaa hadana dhinaca kale waxaa soo baxay dhaliil ay qabaan qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Shacabkaan qaarkood oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in qaab cadaalad ah aan loo marin nidaamka xulista golaha deegaanka Gaalkacyo.

Waxay sheegeen in marnaba aysan dooneyn wax aysan ka shacab ahaan iyagu keensan, waxay tilmaameen in ay maqleen in dib loo keeni doono maamul iyo xubno horay lasoo shaqeeyay maamulkii Gaalkacyo laga bedalay.

“Waxaan codsaneynaa inaan naloo keenin dadkii horay halkaan uga shaqeynayay, waxaan rabnaa wejiyo cusub oo aan la shaqeynno, sababtoo ah kuwii shalay la bedalay wixii loo bedalay bay qabaan, midda kale hadii aynu nahay xaafadda Horumar ee Gaalkacyo waxaan codsaneynaa in annaga naloo daayo talada oo aan soo xulanno ka xaafad ahaan dadka na matali lahaa” sidaasi waxaa tiri mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa 4-tii bishaan kala diray golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena xilka ka qaaday duqa magaaladaasi (Riix halkaan)

Waxaa la filayaa in dhawaan lasoo xulo gole deegaan cusub oo doorta duqa magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News