U bood dhigaalka

Shacab Dibadbax Ka Dhigay Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Boqolaal shacab ah ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay dibadbax ballaaran ka dhigeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo ay ku dalbanayeen in lasii daayo nabadoon C/qaadir Ibraahim Xarago oo ah afhayeenka isimada gobolka Bari.

Shacabka ayaa ka dalbanayey maamulka Puntland in si shuruud la’aan ah kusii daayaan nabadoonka oo ay sheegeen inuu yahay shaqsi umadda u adeegi jirey.

Dadkan ayaa socod ku maray xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, waxaana ay ka dalbadeen in lasii daayo nabadoonka.

Ciidamada Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku xireY Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka ee gobolka Bari, Nabadoon C/qaadir Xarago kadib markii uu sheegay in si xun loo jirdiley 7 qof oo ku jira xabsiga Boosaaso kuwaa oo lagu xukumay dil toogasho ah.

Goobjoog News