U bood dhigaalka

Shacabka Baladweyne Oo Aragti Kala Duwan Ka Dhiibtay Shirka Ka Socda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, kaasi oo u dhaxeeya beelaha degan gobalkaasi.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ayaa aragti kala duwan ka bixiyay shirkaasi oo maalintiisii 26-aad ka socda magaaladaasi, dadka qaar waa ay taageereen, halka kuwa kalena ay kasoo horjeesteen.

“Aniga oo ku hadlaya magaca ururka dhalinyarada gobalka Hiiraan, shirkaasi waxaan u aragnaa mid wanaagsan oo mira dhali doona, waana ku faraxsannahay, shirkaanna waa mid aynu sugaynay hadii aynu dhalinyarada nahay” sidaasi waxaa tiri gabar dhalinyaro ah oo ka mid ahayd dadka aragtidooda ka dhiibtay shirkaasi.

Sidoo kale mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee aragtiga ka dhiibtay shirkaasi ayaa rajo xumo ka muujiyay shirkan, waxaana uu sheegay in shirkaan uu yahay mid la’isugu keenay beelo u dhashay gobalka iyo kuwo aan u dhalan intaba.

“Cid u timid dadkii hogaanka bulshada ahaa ma jirto, shirkaasi maanta 26-maalin jirsaday waa shir lagu kala qeybinayo dadka Hiiraan, mana ahan wax ay shaqo ku leeyihiin shacabka gobalka, sababtoo ah qabiilo u dhashay gobalka iyo kuwo aan u dhalan ayaa meesha la’isugu keenay”

Shirkaan ka socda magaalada Baladweyne waxaa taageeray xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhawaan halka shirka uu ka socdo gaaray xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News