U bood dhigaalka

Shacabka Baladweyne Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Maamulka Maamulka Loo Dhisayo Sh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan qaarkood ayaa ka aragti dhiibtay qorshaha la doonayo in maamul gobaleed loogu sameeyo goballada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxay shacabkaan qaarkood soo hadal qaadeen arrinta ku aadan shirka lagu qabanayo Jowhar iyo sidoo kale hanaanka loo marayo shirkaan, waxaana jira shacab taageeray iyo kuwo aragtidooda kaga soo horjeestay.

“Magacaygu waa C/raxmaan Sheekh Cabdulle Idiris, waxaan aaminsanahay fikirka ah in Labada gobal la’isku daro oo maamul mid ah loo sameeyo laakiinse waxaan dhaliilsanahay sida hadda abaabulka uu ku socdo, waxaan rabnay in si muuqto wax loo wado, laakiinse hadda si mugdi ah ayaa wax lagu wadaa”

“Anigoo ah Axmed Cabdi Cali waxaan soo dhaweynayaa in Labada gobal loo sameeyo maamul, laakiinse aan ahay dadkii diidanaa in shirka lagu qabto Jowhar ayaa hadana mar hadii lagu waxaan leenahay si sharci ah howsha haloo wado”

“Waxaan soo dhaweyneynaa in gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe loo sameeyo maamul ay u mideysan yihiin, waxaan ugu baaqayaa dowladda in si cadaalad ah loo wajaho hanaanka maamulka loo sameynayo” Maxamed Cabdullaahi Cabdulle oo shacabka Baladweyne ka mid ah ayaa sidaasi yiri.

Waxaa la filayaa in magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News