U bood dhigaalka

Shacabka Gedo Oo Looga Digey Iney Taageeraan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa  shacabka ku dhaqan gobolka Gedo waxa ay uga digtey iney taageerto Xarakada Al-shabaab.

Wasiirka wasaaraddaasi C/rashiid Janan oo meel fagaare ah kula hadlay shacabka degmada Luuq ayaa sheegay in Al-shabaabka ka dagaallama Gedo ay saanadaha Milatari ku iibsadaan lacagta ay ka qaataan shacabka gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in shacabka looga baahan yahay iney ka fogaadaan wax walbo oo lagu taageeri karo Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaab laga qaadi doono cid walbo oo la arko iyada oo taageero u fidineysa ururkaasi.

“Al-shabaab hubka iyo saanadaha kale ee ay ku dagaallamaan shacabka ayeey ka qaataan, shacabka waxaan u sheegeynaa iney ka fogaadaan wax walbo oo lagu taageerayo Al-shabaab, annaga tallaab ayaan ka qaadi doonnaa cid walbo oo dhaqaale siisa Al-shabaab” ayuu yiri wasiirka.

Hadalkaan ayaa imaanya xilli horey dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtey ganacsatada Soomaaliyeed qaarkood iney dhaqaale siiyaan Al-shabaab.

Goobjoog News