U bood dhigaalka

Shacabka Gobolka Hiiraan Oo Ka Aragti Dhiibtay Shirkii Madasha Ee Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay shirkii Madasha Wadatashiga qaran ee 12-kii bishan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Hiiraan Khaalid Muxummad Ilka-case ayaa dadkan la dhex qaaday codbaahiyaha Goobjoog, waxaana dadka qaar ay soo dhaweeyeen shirkaasi, halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen.

Bashiir Xuseen Dhoore oo ka mid ah dadkii la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynayo shirkaan iyo qodobadii kasoo baxay, islamarkaana u arko in Soomaaliya ka gudbin doono marxaladda iminka ku sugan tahay.

Bashiir ayaa sidoo kale ka hadlay Nidaamka 4.5 ee la’isku raacay wuxuuna sheegay in shirkaan yahay midkii ugu dambeeyay ee hab qabiil looga hadlo, islamarkaana haatan loo gudbi doono 2020 doorasho qof iyo cod ah.

Sheekh Cabdi Waajid Sheekh Cumar oo isna ka mid ah dadkii la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkii ka dhacay Muqdisho yahay mid aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

“Aniga aragtideyda waxay ila muuqataa in shirkaasi aanu dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah meeshaasi kama jirin Wadatashi, dad ayaanba weli dowlad goboleed lahayn, marka nidaamkaan Federaalka meesha loo wado iyo sidii loogu talagalay ma ahan” ayuu yiri Sheekh Cabdi.

Baarlamaanka soo socda ee sanadkaan 2016 waxaa la’isku raacay in lagu soo xulo nidaam qabiilka 4.5.

Goobjoog News