U bood dhigaalka

Shacabka Mahaday Oo Aan Gurmad Ka Helin DFS Iyo Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi, kadib markii dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Saa Fuleel Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ayaa sheegay in biyo badan ay weli dhex fadhiyaan xaafadaha Mahadaay, ayna ka dhasheen cuduro kala duwan.

Wuxuu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in ay jiraan dad uu soo ritay Shuban Biyood, cudurka duumada iyo cudurro kale oo ka dhashay fatahaadda Wabiga.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in aanay weli jirin gurmad ay ka heleen dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Degmada xaaladeeda hadaan kaaga sheekeeyo, runtii biyaha weli waxa ay ku dhex jiraan xaafadaha degmada iyo tuulooyinka hoosyimaada, cuduro kala duwan ayaana ka dhashay oo ay ugu horeyso Nafaqi darro iyo Malaria, mana jirto wax gumad ah oo naga soo gaaray dowladdda Goboleedka Hirshabeelle iyo tan Federaalka.” Ayuu yiri Saalax.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu ku fatahay magaalada iyo tuulooyin kale oo hoostaga Degmada Mahadaay, iyadoo dadku aysan heysan Hooy iyo adeegyada kale ee aas aaasiga u ah nolosha beni’aadamka.

Goobjoog News