U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Iyo Madaxdooda Oo Ka Dibadbaxay Saami La’aanta Aqalkaa Sare

Sheeko:Dalka

Dibadbax ballaaran oo uu soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee xarunta golaha shacabka iyo taalada Daljirka Daahsoon.

Waxaa dibadbaxan ka qeybgalay shacab ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, mas’uuliyiinta sare ee maamulka gobolka Banaadir, ururada bulshada, ururada Haweenka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ulajeedka dibadbaxan ayaa ahaa sidii magaalada Muqdisho ay xuquuqdeeda uga heli lahayd dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka, maadaama aysan caddeyn kaalinta dadka Muqdisho ku leeyihiin aqalkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay inay aad uga xun yihiin maanta la tuuro xaqqii uu lahaa gobolka Banaadir.

“Waxaan leenahay dadka reer Banaadir waxay heegan ugu jiraan in umadda Soomaaliyeed isku keento, waa nala kala qeybiyay hadda wixii aan xaq u leenahay hanala siiyo, maxaa loo qaldayaa waxay xaqqa u leeyihiin, waxaan leenahay haddii baarlamaanka awoodda laga qaaday maxay annaga inoogu soo sheegi waayeen” ayey Tiri Canab.

C/laahi Shirwac oo ah guddoomiyaha ururada Bulshada rayidka ah oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay dibadbixii maanta ayaa isna sheegay in la yaab ay tahay in la iloobo magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in hadii madaxdu il duuftay ay Muqdisho xaqeedii ay si nabad ah ku raadsato.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay inay u istaagaan inay noqoto caasimad nabdoon oo muwaadiniinta ku sugan ay helaan xuquuq siman.

Muxudiin Xasan Afrax oo isna hadal ka jeediyay dibadbaxan ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in la dafiro jiritaanka gobolka Banaadir, dibadbaxoodana yahay farriin loo dirayo madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

“17 gobol ayaa jirta laakiin Banaadir ma jirto waxaa iska dhihi kara qof cadow ah, banaanbuxu waa farriin la dirayo waxaana rajeynaynaa in laga jawaabo, waan ku dardarayaa hana dhaqdhaqaaqin cid yeeli karto malahan, waxaan wadnaa farriin nabadeed, dhammaan shacabka ku nool gobolka Banaadir wey isku yimaadeen waxayna ka dhiidhinayaan caddaalad darrida lagu sameynayo gobolkooda, waxaan leenahay dhib yaan nalagu celin” ayuu yiri Mr Afrax.

Xidhibaan C/laahi Jaamac oo ka mid ah xildhibaannadii ka qeybgalay dibadbaxan ayaa isna yiri “Maanta waxaa farxad ii ah in Soomaali wada dhan aanay halkaan isugu imaan jirin, Soomaali maanta qoryo iskuma haysato ee wax qeybsi bay isku haysataa waana horumar, iyadoo nabad ah bay wada hadleysaa, sharci ku wada hadleysaa, arrinta Xamar waa Xamar Xushmeeya Xaqiisana siiya hadalka meeshaas ayuu ku dhan yahay, haddii aynu nahay xildhibaannada qaranka waxaan u taagannahay Soomaaliya oo midooba iyadoo la dafirin xaqqa shacabka Soomaaliyeed, 2 Milyan iyo Bar oo Xamar ku dhaqan xaq maleh cid laga yeelayo malahan, baarlamaanka xilkiisa wuu gutay waan is hortaagnay waan saxnay qaladkaasi waana saxeynaa illaa uu meel munaasab ah ka tago, middaan maan gabin waana ku jirnaa arrinteeda, hadda waxay kasoo durugtay Hal meel, wax maleh ayey ahayd laakiin hadda wuu leeyahay bay taagan tahay, meeqa ayuu leeyahay ayaana la joogaa” ayuu yiri Xildhibaanka.

Waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyey Xildhibaan Cumar Finish oo ka mid ah mudanayaashaa ka qeybgalay dibadbaxan lagu diidan yahay in gobolka Banaadir la hareer mariyo saamiga aqalka sare ayaa shacabka u sheegay in madaxda dowladda Federaalka, baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta qaran ee ku sugan magaalada Muqdisho aanay hayan damiir laawayaal islamarkaana ay garan karaan muhiimadda gobolka Banaadir.

“Waxaan idin leeyahay qalbigiina kheyr u sheega madaxda dowladda, baarlamaanka iyo dhammaan mas’uuiyiinta qaran ee saldhiggoodu yahay Muqdisho ma ahan damiir laawayaal, ma ahan abaal dhaamayaal, wxay garan karaan muhiimmada gobolka Banaadir iyo dadka reer Banaadir ugu fadhiyaan ayeey garan karaan, gobolka Banaadir waa canshuur bixiyayaal, ma jiro gobol dowladda Federaalka Canshuur siiya oo aan ka ahayn gobolkaan Banaadir, ma jiro gobolka Banaadir gobol la shacab ah, la iskuulo ah, Garoomo ah, ma ahan muhiimadda gobolkaan dalka ugu fadhiyo mid meel kale lala barbardhigi karo, xuquuqdiina miiska ayeey saaran tahay taas haka walwalina maxaa yeelay wax idinka la idin kala dhuuntay meel la geynayo ma garan karo, dowladaha adduunka, madaxda Soomaalida kulligood waxay garanayaanmuhiimmada aad ku fadhidaan, waxaan idiin xusuusinayaa in baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu uyahay magaalada Muqdisho cidda biisha waa gobolka Banaadir, dhammaan dowladda waxa biila waa gobolka Banaadir, sidaa darteed waxaan idiinla qeybsanayaa dareenkiina”  ayuu yiri Xildhibaan Cumar.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ugu dambeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in qof xaq ma maqan yahay aanu daalin, islamarkaana la doonayo intii gobolka Banaadir xaqiisa ka helayo la taagnaado.

“Waxaa sharaf inoo ah inaan muujinno shacuurteenna, qof ka xaq maqan yahay Harraad iyo gaajo ma aragto, waxaan rabnaa Daljirka Daahsoon inaan habeenno seexanno ilaa xaqeena ka helayno, annaga horay uma qeelin, waxaan eedeynay doorkii baarlamaanka, maanta waxaa sharaf inoo ah in xildhibaannadii kasoo jeeday gobolka ay halkaan yimaadaan ayna muujiyaan dareenkooda, gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Banaadir xaqiina ayaa la xaqirayaa mana xaqireyno 3 Milyan xaq malahan 500 kun xaq ayeey leeyihiin beesha caalamka iyo madaxda Federaalka kama akhrisaneyno, Baarlamaankana sidoo kale, maalin walbo waxaa naloo dilaa idinka ayeey dowladda idin saaran tahay, canshuurta dekadda laga qaadana hay’adaha dowladda iyo baarlamaanka ayaa qaato, ciidamada dagaallamaya mushaarkooda Dekaddan ayaa laga bixiyaa, dadkaan casnhuurta bixinaya xaq malahan cid laga akhrisanayo malahan, cadaalad darro caddaalad ma noqoto xuquuqda aan leenahay cid lagu qancinayo ma jirto, waxaan u direynaa dhambaal farriin ah cid walbo oo arrintaan quseyso uguna horreyso beesha caalamka oo xaqeena in laga tago culeys ku saareyso ma yeeli doonno madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan u sheegayaa in aan diidnay in xuquuqdeena nala duudsiiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Goobjoog News