U bood dhigaalka

Shacabka Qardho Oo Ka Aragti Dhiibtey Doorashooyinka Dalka (Maqal)

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa ka aragti dhiibtey doorashooyinka dalka oo marar badan dib uga soo dhacday waqtigii loogu talogalay.

Shacabkaasi qaarkood oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen in doorashooyinka ay waqtigooda kadib dhacdo, iyaga oo rajo ka muujiyey in hadda ay ku qabsoonto 15-ka bishan.

Sidoo kale shacabka qaar ayaa ku taliyey maadaama dalka ay abaar ka jirto in markii a dhameystiro doorashada aqalka hoose la joojiyo, loo gurmado shacabka kadibna doorashada madaxtinimada la qabto.

“Doorashooyinka waqtigooda kuma dhicin, hadane waxaan ku talinayaa markii la dhameeyo doorashada qalka hoose ee baarlamaanka in la joojiyo doorashada oo lagu qiimeeyo musharaxa sida abaarta loogu gurmado, kadibna la qabto doorashada madaxweynaha” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Qardho oo la hadlay Goobjoog News.

Doorashada Soomaaliya ayaa qorshaheedu ahaa iney kusoo dhammaato 30 bishii tagtey ee November, balse taasi suurtagal ma aaaney noqon.

Halkaan hoose ka dhageyso aragtida shacabka Qardho

Goobjoog News