U bood dhigaalka

Shaqo La’aan Soo Wajahday Kalluumeysatada Degmada Hobyo Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Kalluumeysatada Ku Sugan degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in dabaylo xooggan oo ka kacay xeebta degmadaasi ay saameyn ballaaran ku yeelatay howlihii Kalluumeysigoodii.

Badda oo aan la geli karin ayeey sheegeen in shaqo la’aan ay ka dhigtay, hadii ay isku dayaan inay soo kalluumeystaanna ay naftooda la baqeen.

Xasan Caabi Cabdulle oo ka mid ah maamulka degmada Hobyo ayaa u sheegay Goobjoog News in Kalluumeysatada degmadaasi ay soo wajahday cabaqado dhanka Kalluumeysiga ah.

“Degmadaan waxay ku tiirsaneyd Kalluumeysiga iyo xoolo dhaqatada, baddu wey xiran tahay, hadda waa xilligii dabaylaha, dabayl darteed bay u xiran tahay oo lama gali karo, hadii ay furneydna wax soo saar sidaasi malahayn, cid ku dhiiran karto malahan dabaylahan in badda ay isku haligto” ayuu yiri Xasan Caabi.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa sheegay in degmada Hobyo aanay ka jirin xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, islamarkaana qofkii dhib soo gaaro loola cararayo isbitaallada ku yaalla degmada Gaalkacyo.

Sanadihii ugu dambeeyay Kalluumeystada degmada Hobyo ayaan fursad ballaaran u helin in si caadi ah ay badda uga jallaabtaan kadib markii qaarkood lagu eedeeyay inay Burcad badeed yihiin, balse haatan waxay kasoo kabanayaan dhibaatooyinkii ay badda kala kulmi jireen.

Goobjoog News