U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Illaa Soomaalida Laga Tiriyo Nidaamka 4.5 Ayaan Taageersannahay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa ka warbixiyay shirkii magaalada Kismaayo uu uga soo qeybgalay, iyo sidoo kale rabitaanka maamulkooda.

Waxa uu sheegay in shirkaasi arrimo badan oo qaab wax qeybsiga ah lagu falanqeeyay, islamarkaana ka maamul ahaan ay iyaga aad u taageersan yihiin nidaamka beelaha ee 4.5.

Waxa uu tilmaamay Shariif Xasan in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin kuwo nabadda jecel, ilaaliya wada deganaanshiyaha iyo is dhexgalka bulshada, sidaa darteedna ay doonayaan in illaa Soomaalida oo dhan laga tiriyo wax lagu qeybsado nidaamka beelaha si aysan u dhicin dad la qadiyo ama laga tago waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shacabka Koonfur Galbeed waa kuwo jecel nabadda, is dhexgalka, wada deganaanshiyaha iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed, hadaba annaga waxaan taageersannahay in illaa Soomaalida laga tiranayo aan laga gudbin nidaamka 4.5” ayuu yiri Shariif Xasan .

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda Kenya uga tacsiyadeeyay ciidankii dhawaan looga dilay deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo, kadib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen halkaasi.

Shirkii Kismaayo

18-kii bishaan waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhamaaday shir muddo Afar maalin ah halkaasi uga soconayay xubnaha madasha wadatashiga qaran kaasi oo looga hadlayay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkaan inkastoo natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in waqti kale la ballamay, islamarkaana ay jiraan arrimo yar oo dhanka farsamada ah iyaguna la’isla fahmi doono.

Waxaa lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka soo socda, waxaana la’isku haystaa nidaamka qabiilka ee 4.5 iyo sidoo kale nidaamka degmo.

Goobjoog News