U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Isbedal Ku Sameynaya Wasiiradiisa

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qorsheynayo  in saacadaha soo aadan uu isbedal ku sameeyo golahiisa wasiirada.

Ilo ku dhow madaxtooyada K/galbeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Shariif Xasan laga yaabo in shaqsiyaad cusub uu kusoo daro wasiiradiisa, qaarna ay meesha ka baxaan.

Magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa guud ahaan saansaanta ku aadan isbedalkaan uu sameyn doono Shariif Xasan.

Siyaasiyiin badan ayaa la sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay buux dhaafiyeen xarunta madaxtooyada ee Baydhabo.

Marar badan madaxweyne Shariif Xasan ayaa qorsheynayey inuu wax ka bedalo golahiisa wasiirada kadib cadaadis kaga yimid dhanka baarlamaanka K/galbeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News