U bood dhigaalka

Shariif Xasan oo Ka Hadlay Moowqifkiisa Ku Aadan Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Dalka

shariif xasanMadaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegey in qaabka loo qeybiyey baarlamaanka Jubbaland aysan ahayn mid caddaalad ah.

“Wax la dhiso oo bini’aadan sameeyo wax ayuunbaa ka dhinaanaayo, laakiin waxaan u aragnaa in si aanan sax ahayn , mana ahan cadaalad” ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegey in horey ay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku heshiiyeen in si siman oo deegaan lagu saleeyey wax loo qeybsado, balse aysan taasi dhicin, isaga oo dalbaday in wax la soxo.

Maamulka Jubbaland ayaanan wali ka jawaabin hadalka kasoo yeerey Koonfur Galbeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada