U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Shacabka Abaarta Ku Hayso Deegaannada K/galbeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay abaaraha iyo cudurka shuban biyoodka ee ka jira deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo ayaa sheegay in xaaladda dadka shacabka ah ay tahay mid aad u daran.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay kaalmooyin degdeg ah oo dadkaasi lala gaaro, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaaro deegaannada maamulka K/galbeed.

Shariif Xasan ayaa shacabka K/galbeed waxa uu ugu baaqay in Alla bari isugu soo baxaan si Allah uu dhibaatada uga dulqaado.

“Caalamka waxaan ugu baaqayaa iney usoo gurmadaan dadka abaarta iyo cudurrada ku haya K/galbeed, biyo la’aanta ayaa dhibaatada ugu badan keentay, ilaahay dhibaatada hanaga bixiyo, safarkii aan ku maqnaa dowlado badan ayaan arkay, dowladda Turkiga gaar ahaan qeybta u qaabilsan kaalmada waxay inoo balanqaadeen iney imaan doonaan K/galbeed oo ay wax ka qaban doonaan xaaladaha jira” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhanka kale madaxweynaha maamulka K/galbeed ayaa caqabadaha ugu daran ku sheegay xirnaanshiyaha waddooyinka qaar iyo sidoo kale go’doonka ay ku jiraan qaar kamid ah degmooyinka Baay Iyo Bakool si dadka loogu gurmado.

Gobollada K/galbeed waxaa aad u saameeyay abaarta ka jirta iyo sidoo kale cudurka shuban biyoodka oo dad badan ay u geeriyoodeen.

Goobjoog News