Shariif Xasan Oo Ku Laabtay Baydhabo Xilli Mooshin Ka Yaallo

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shariif Xasan ayaa cadaadis xooggan wuxuu kala kulmayaa mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka K/galbeed, kadib markii qaarkood ay ka keeneen mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaado.

Waxa uu Shariif Xasan sheegay in aan loo baahneyn qalalaasye iyo sidoo kale in la dumiyo maamulka K/galbeed, isaga oo ku baaqay xasilooni siyaasadeed.

Qaar kamid ah xildhibaannada mooshinka ka wada Shariif Xasan oo maanta kulan yeeshay ayaa waxay sheegeen in dhowaan ay guddoonka baarlamaanka u gudbin doonaan mooshinka.

Guud ahaan magaalada Baydhabo waxaa aad looga hadlay hayaa xaaladda siyaasadeed eek a taagan magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW