U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Magacaabay Guddomiyaha Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay, kadib markii guddoomiyahii hore ee gobolkaasi loo magacaabay wasiirka difaaca ee dalka.

Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Cali Wardheere, waxaana munaasabad kooban oo arintaan lagu maamuusayey ay maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Shariif Xasn ayaa guddoomiyaha cusub kula dardaarmay in xilkiisa u guto sidii loogu dhiibay bulshada Baayna ugu adeeggo si cadaalad ah.

Hoos akhri warqadda lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Baay.

MAGACAABISTA

Goobjoog News