U bood dhigaalka

Sh/Dhexe: Ciidamo Millateri Ah Oo Gadooday

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa millateriga dowladda oo gadooday ay qabsadeen meel lagu qaadayay lacagaha canshuurta ee gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa degaannada Gartaale iyo Qalimoow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay la wareegeen ciidan ka tirsan kuwa xoogga ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Halka ay qabsadeen ciidanka ayaa lagu qaadayay canshuurta baabuurta ee gobolka Isticmaasha waxaana jirin maanta wax howl ah oo halkaasi ka socota.

Wariyaha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in sababtani ay ka dambeysay kadib markii ciidanku ay ka gadoodeen mushaar la’aan muddooyinkii dambe ay ka cabanayeen.

Waxaa hakad ku jira howlihii canshuur qaadista ee degaankaasi ka socotay.

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo talisyada millateriga iyo booliska ee gobolka Shabeellaha Dhexe kama aynaan hadlin arrintani.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada