U bood dhigaalka

Sheekh Aadan Madoobe oo Xudur Tagayo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro magaalada Xudur ee gobalka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa magaalada kulama kula qaadan doono qaar kamid ah mas’uuliyiinta, waxgaradka, dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka socdaalka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa salka ku haayo u sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladda dadka iyo deegaanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qorsheynayo in dhawaan deegaannada maamulka Koonfur galbeed lagu qabto kulan loog arin sanayo xaaladda deegaanada maamulkaas.

Shirka dib u heshiisnta koonfur galbeed ayaa looga dhawaaqay in dhawaan uu ka dhaco deegaanada maamulka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale shirkaas la filaya in ay ka soo qayb galaan siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur galbeed.

Qaban qaabada soo dhaweynta guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hadda ka socota magaalada Xudur.

Goobjoog News