U bood dhigaalka

Shilal Sababay Khasaare oo Ka Dhacay Mareykanka

Sheeko:Caalamka

Shil gaari sababay khasaare kale duwan ayaa ka dhacay gudaha dalka Mareykanka, kadib markii ay isku dhaceen tiro gawaari ah, xilli ay marayeen wadada lagu magacaabo  Interstate 90 magaalada New York.

Shilka ayaa waxaa inta la xaqiijiyay uu sababay geerida 6 ruux oo ay ku jiraan la caruur ah, gawaarida isku dhacday ayaa waxaa tiro ahaan ay gaarayaan ilaa 20 gaadiid oo kale duwan.

Geerida ayaa laga cabsi qabaa ain ay sii kororto saacad weliba maadama ay jiraan dhaawacyo badan kuwaas oo la dhigay Isbitaallada, qaarkood ay xaladoodu halis ay tahay xiligaan.

Shilka ayaa waxaa laamaaha amnigu ay sheegeen in uu sababay cimilada oo aad u xumaatay, waxaana intaas ay ku dareen inuu cabirka magaalooyinka qaar uu gaaray Zero, xilliga xagaayaha.

Goobjoog News