U bood dhigaalka

Shir Lagu Ansixinayo Dastuurka Maamulka Jubbaland Oo Maanta Ka Furmay Kismaayo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa daah furay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana ka qeybgalaya 300 oo Ergo, kuwaa oo ansixin doona Dastuurka, iyadoo Goobjoog ay ka ahaayeen furitaanka shirkaan mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ku ammaanay xubnihii ku howlanaa Dastuurka Jubbaland iyo sidoo kale qaabka Bulshada looga qeybgaliyay aragti in ay Dastuurkaasi ka dhiibtaan.

Shirkaan ayaa Laba Maalin socon doona, waxaana ergada ay ansixin doonaan Dastuurkaan oo KMG ah, iyadoo xusid ay mudan tahay in deegaanada maamulkaan uu ka taliyo ee Jubada Hoose iyo Gedo ah la geeyay Dastuurka, kaasi oo ay kasoo talo dhiibteen dadka shacabka ah.

Hoos ka daawo sawirada

Shirka13 Shirka12 Shirka11 Shirka10 Shirka9 Shirka8 Shirka7 Shirka6 Shirka5 Shirka4 Shirka3 Shirka2 shirka

Goobjoog News