U bood dhigaalka

Shir u Socday Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Lagu Kala Kacay

Sheeko:Dalka

Maalmahaan magaalada Hargeysa waxaa ka soconayay shir ballaaran oo ay lahaayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ee Somaliland kaasi oo looga hadlayay arimo badan oo maalmahaan dambe la’isku hayay ayaa hadana waxaa lagu soo waramayaa in lagu kala kacay shirkaasi.

Habeenkii xalay ahaa ayaa kulankii ugu dambeeyay waxa ay dhinacyadaan ku yeesheen xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, waxaana uljeedka shirkaasi uu ahaa sidii loo xalin lahaa khilaafkii ka dhashay waqti kordhinta loo sameeyay maamulka iminka talada haya.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka uu fashil ku dhamaaday, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in ay soo farageliyaan arrintaasi.

“Maanta waxaa isugu dhimin fadhigii Sedaxaad ee wada hadallada, waxaan rajeynaynay in heshiis uu kasoo baxo, intii hore fadhiga waa uu fiicnaa, waxaana laga doodayay arintii ku aadaneyd khilaafkii ka dhashay golaha guurtida, laakiinse shirka waa uu burburay, waxaan soo dhaweyneynaa cid walba oo arintaasi xalkeeda ka qeybqaadanayso hadii ay ahaan lahayd beesha caalamka, xisbiyada aynu ka nimid hadda, waxaan rajeynaynaa anaga oo shacabka u tureyno in si degdeg ah xal loogu helo” ayuu yiri Gudoomiyaha xisbiga Wadani.

Dhinaca kale mas’uuliyiin u kala hadlay xisbiyada kala ah Kulmiye iyo UCID ayaa sheegay in shirkaasi aanu burburin, iyaga oo sheegay in ay ka xumaaday hadalka  kasoo yeeray xisbiga Wadani ee ah in shirka uu burburay.

Goobjoog News