U bood dhigaalka

Shirka Amniga Ee DFS Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Ka Furmay Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah waxaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ka furmay shirka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Furitaanka shirkan waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiirada amniga ee dowlad goboleedyada, saraakiil ciidan iyo marti kale.

C/naasir Saciid  Muuse, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga DFS ayaa sheegay in shirkaan ahmiyad ballaaran uu leeyahay amniga guud ee dalka.

Shirkan ayuu sheegay in xoogga lagu saari doono isku xirka hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada sameynta tirakoob sax ah oo lagu sameynayo ciidanka Booliiska, ka warbixinta xaaladaha amni ee dowladda iyo maamul goboleedyada iyo arrimo kale.

Shirkan ayaa lasoo gabagabeyn doona saacadaha soo aadan ee maanta, waxaana la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed.

Goobjoog News