U bood dhigaalka

Shirka golaha wadatashiga qaran oo Maanta la soo gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha wadatashiga qaranka oo muddooyinkii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa furmaay maalinnimadii khamiista ee aan soo dhaafnay, waxaana la soo gabagabeynayaa maanta oo Sabti  iyadoo laga soo saari doono war-murtiyeed.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jamac, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye QoorQoor, Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa caasimadda Yuushu Xuseen Jimcaale.

Kulanka ayaa looga hadlayaa ajendayaal ay kamid yihiin sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka.

Goobjoog News