U bood dhigaalka

Shirka Kismaayo Oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Maanta Oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyo shirka madaxda maamul goboleedyada uga socda magaaladaasi.

Shirkan oo Kismaayo ka bilowday 8-dii bishan ayaa ah mid wadatashi ah oo ay yeelanayaan maamul goboleedyada dalka ka jira, kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Waxaa maanta la filayaa in ay soo saaraan madaxda shirsan war-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay isku afgarteen inta shirka uu socday.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa gogosha shirkaan dhigay, waxaana markii hore uu doonayey iney ka qeybgasho dowladda Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News