U bood dhigaalka

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose uu ka gurmo shirka madasha wadatashiga qaranka oo dib u dhac horay ugu yimid.

Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo la filayo in magaaladaasi ay gaaraan xubno kale oo ku sugan magaalada Jowhar.

Shirkaan ayaa la doonayaa in aragti mid ah laga qaato nooca ay noqon doonto doorasho dalka ka dhacdaa sanadkaan 2016-ka.

Waxa uu shirkaan daba socdaa shirkii horay madashu ugu yeesheen magaalada Muqdisho, iyadoo lagu kala aragti duwanaa nooca ay noqon karto doorasho dalka ka dhacda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa horay u sheegay in dalka aysan ka dhici karin xilligaan doorasho qof iyo cod ah, hase ahaatee loo baahan yahay in la doorto nooc kale oo doorasho ah, iyadoo hadda lagu kala aragti duwan yahay in doorashadu noqto mid deegaan ama hanaanka qabiilka ee 4.5.

Goobjoog News