U bood dhigaalka

Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Maanta Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada.

Isniintii shalay ayeey ahayd in shirkan uu furmo balse cillado farsamo awgeed ayaa la xaqiijiyey in shirkan u baaqday.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana shirkan looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka.

Ammaanka guud ee Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo shalayna madaxda dowlad goboleedyada uu la kulmay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News