U bood dhigaalka

Shirka Todobaadka Shidaalka Afrika oo Furmaya iyo Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa

Sheeko:Caalamka

Waxaa maalinta bari ah lagu wadaa inuu dalka Koonfur Afrika uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan wadamada Afrika, kuwaas oo leh kheyraadka dhanka Shidaalka ah, waxaana dowladda Soomaaliya kaga qeyb galayo wasiirka  Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo Maanta  ku wajahan yihiin Magaalada Johannesburg.

Shirka ayaa waxaa uu si rasmi ah u furmi doonaa barri oo Isniin ah Taariikhdu ay ku beegan tahay 3-da Ogtobar, waxaana uu socon doonaa ilaa 7 bishan, goortaas oo lasoo gabagabaynayo, wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda ayaa inta uu ku sugan yahay halkaas, waxaa uu kulamo dooceedyo la qaadan doonaana madaxda kala duwan ee shirka ka qeybta ka ah.

Madaxda kale duwan ee shirka ayaa waxaa ay madasha ka jeedin doonaan khudbado ay kaga hadlayaan fursada dalalkooda ka jira ee dhanka Shidaaka ah, waxaana kasoo qeybgala shirkado ka shaqeeya sahminta Shidaalka Afrika, shirkaan ayaa ah sanadkii 28-aad oo shirka la isugu yimaado, waxaa sanadkii ugu dambeeyay 2021-kii ka qeyb gashay 45 dowladood.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa waxaa lagu wadaa inuu shirka barri uu ka jeediyo khudbad, taas oo shirkada iyo maalgashadayaasha caalamiga uu ugu soo bandhiyo kheyraadka iyo sahminta Shidaal ee ugu dambeysay ee laga sameeyay Soomaaliya, waxaana shirka uu socon donaa muddo 4 cisho ah oo ilaa 7-da Octobar.

Shirka Todobaadka Shidaalka Africa ayaa waxaa uu yahay shir sanad waliba la qabto waxaana kasoo qeyb gala wasiirrada Batroolka ee wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka leh kheyraadka Shidaalka, waxaana soo badanayay sanadihii dambe dalalka kusoo biiraya, waxaa uu furmi doonaa barri oo 4-ta bisha aha isaga oo lasoo gabagabaynayo 7-da Ogtobar.

Goobjoog News