Shirka Wadatashiga DF iyo Maamul Gobaleedyada Oo Talaadada Dib Loogu Balamay

Waxaa goordhaw soo gaba gaboobay Shirka arrimaha doorashooyinka oo maalintii labaad Teedha ku taalla Afisyooni uga soconayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .
Shirkan oo aan warbaahinta lala wadaagin waxyaabaha madaxda ay isla garteen ayaa soo xirmay , iyadoo ay muuqato kala fogaan aragtiyadeed oo madaxda qaar ka dhex jirta .
Wararka GoobJoog News ka heleyso ayaa sheegaya in madaxda qaar weli ay isku mari la’yihiin qodobada shirka looga hadlayo , iyadoo shirka dib la isugu soo noqon doono maalinta Talaadada.
Shirka ayaa la sheegay in uusan berri oo Isniin ah qabsoomi doonin sida ay inoo sheegen illa ku dhaw dhaw Shirka .
Illa iyo hadda wax natiija ah kama soo bixin shirka labada maalin madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada uga socda Muqdisho .
Madaxweeynaha Dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa goordhaw ka ambabbaxay magaalada Muqdisho markii uu soo dhamaaday shirka , isagoo aaday madaxweeynaha magaalada Dhuusamareeb.
Socdaalka madaxweyne Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in madaxweeynaha uu ka dhamaaday waqtiga dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug madaxweeynaha u ogolaanayo in uu deegaanka ka maqnaado.
Dastuurka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa madaxweynaha u fasaxaya in uu kaliya 45 maalmood madaxweeynaha ka maqnaan karo deeganada maamulkaas.
Dhanka kale dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay sii socon doonaan wada hadalada xalka loogu raadinayo doorashooyinka .
Qoraal lagu daabacay Barta Facebook-ga ee madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri”Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Maalinkii labaad ka qeybgalay shirka hordhaca ah ee u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.”